Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Khasaare Geystay oo ka dhacay Qeybo Ka Mid ah Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Dagaalkaan ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo udhexeyay Maleeshiyaadka hubeysan iyo Ciidamada Amaanka Degmada walaweyn
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan uu yimid kadib markii Ciidamada Amaanka Magaalada waaweyn iyaga oo wada howlgalo is baroyn qaadis ay iska hor’imaadeen Maleeshiyaadka hubeysan oo isbaaro u taallay inta u dhaxeysa Deegaanka yaaq-bariweyne iyo Degmada Walaweyn Ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Khasaaro kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalkaani
Maamulka Degmada walaweyn oo ka warbixiyay iska hor’imaadkaan iyo khasaaraha ka dhashay
Waxaana ay sheegeen in laba ruux ay ku dhinteen Dagaalkaan tiro kalana ay ku dhaawacmeen
Dagaalkaan ayaa imaanaya xili Maalmihii lasoo dhaafay laga cabanayay malshiyaad isbaaro dhigay deegaanada dhaca gobolka shabeelaha kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka ka qaadanaya lacag baad ah