Dagaal Beeleed - Wardeeq newsEASTERN OGADENIA, EASTERN ETHIOPIA - OCTOBER 12TH: A company commander (in front) and some of his men are taking pleasure in shooting into a nearby wood, October 12th 2006, in Ethiopia. It allows them to make sure their weapons are not rusty. (Photo by Jonathan Alpeyrie/Getty images)

Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay deeganka Shilan ee hoos yimaada degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo dagaalkooda uu salka ku haayo dhul kuyaal degaankaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku geeriyoodey hal ruux, waxaana dhaawacyo kasoo gaaray laba qof oo kale oo midu haweeney tahay, sida ay sheegeen dadka degaanka lagu dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudsrayaan in weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay degaanka lagu dagaalamay, waxaana dagaalka uu yahay mid kusoo laab laabtay degaannada hoostaga degmada Ballanbale.

laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, hayeeshee waxaa la filayaa in Galmudug ay Ciidamo kala dhex-dhigto dhinacyada dagaalamay.

Verified by MonsterInsights