FB IMG 1643704898040 - Wardeeq news

Dagaal Culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa goordhow markale dib uga qarxay Deegaanka Haraale oo Dhanka Galbeed 40.Km ka xiga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramay in dagaalku ahaa mid xoogan kaa oo dhaliysy Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, Wallow aysan cadeeyn inta uu gaarsiisanyahay.

Dagaalka Deegaankan ka dhacay una dhaxeyso labada maleeshiyo beeled ayaa waxa uu Daba socdaa Dagaal shalay Galab ilaa xalay ka socday Deegankaas kaa oo sabab  Dhimasho iyo Dhaawac waxaa ayna dagaaladaan Salka ku hayaan Aanooyin qabiil oo Mudaba Halkaasi ka taagneeyd, ayna ku dhinteen Dad badani.

Maamulka degaanka iyo kan gobolka wali kama aysan hadlin Dagaalka, Mana jiraan Dadaalo lagu joojinayo dagaaladaasi

Verified by MonsterInsights