Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dagaal Udhexeya Al-Shabaab iyo Daacish Oo Ka Dhacay Gobolka Bari

Dagaal Udhexeya Al-Shabaab iyo Daacish Oo Ka Dhacay Gobolka Bari

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan Oo Xubno Ka Tirsan Alshabaab iyo Daacish ku dhexmaray Buuraleeyda Gobolka Bari

Dagaaalkaan ayaa waxaa wararku sheegayaan in uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamayaasha Daacish Weerar culus ku qaadeen Xubno Katirsan Al-Shabaab Oo si qarsoodi ah ku marayay Toga il-cameyra Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Waxaana wararka ka imaanaya Gobolka Bari oo ila Sirdoon ah laga helay xaqiijiyaan in dagaalku si kadis ah ku dhacay islamarkaasna laisku Adeegsaday Hubka Nuucadiisa kala duwan.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan saacadaha Qaatay ee dhexmaray Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Ma,ahan markii ugu horeysay oo isku dhac dagaal uu Buuraleyda Gobolka Bari ku dhexmaro dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo dhowr jeer laga sooo wariyay in labada dhinac uu ka dhax jiro isku dhac dhanka maamulka iyo Fikirka ah

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...