Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo

Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo, kadib markii Ciidamada Koonfur Galbeed oo dhaq dhaqaaqyo wada ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo soo gaaray xalay fiidkii hubka noocyadiisa kala duwan ee leysku adeegsanayay siweyn looga maqlay Magaalada Baydhabo iyo degaannada hoostaga.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ay rideen tiro madaafiic ah oo ay ku caawinayeen Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee dagaalka la galay Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab

Dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah, waxaana uu kusoo beegmay xilli shalay gelinkii dambe dagaal culus uu ku dhexmaray inta u dhaxeeysa Magaalada Baydhabo & degaanka Deeynuunaay Ciidamo uu watay Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka iyo Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...