Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Al Shabaab

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Al Shabaab

Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay duleedka degaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Jubbaland kana soo baxay degaanka Jasiirada Kudhaa ay wadada u galeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan.

Dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee Ciidamada Jubbaland ay dib ugu laabteen degaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkii ay kula galeen duleedka degaanka Jasiirada Kudhaa, isla markaana ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed