Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dagaalyahanada Al-Shabaab Oo Xukun Dil Ah Ka Fuliyay Gobolka Bay

Dagaalyahanada Al-Shabaab Oo Xukun Dil Ah Ka Fuliyay Gobolka Bay

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku Fuliyay nin ay dil Toogasho ah ku xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool

Maxkamadda Al-Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool Ayaa waxa ay  xukun dil qisaas ah ku fulisay nin lagu magacaabi jiray Shiikh Mad Caliyow Isxaaq oo Horay ay u xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa ninkaan la dilay ku eedeyay in horay deegaan hoos taga magaalada Baydhaba ugu dilay saddex qof oo muslimiin ah.

Shiikh Mad Caliyow Isxaaq oo da’diisu ahayd (42)- sanno jir ayaa waxa warkasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in Maxkamadda ay uga soo dacwad woodeen ehellada dadka uu laayay.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ehellada 2 ka mid ah dadkii uu dilay Mad Caliyow ay doorbideen in ay diyo ku cafiyaan eedaysanaha halka ehellada midka 3-aad na ay codsadeen in loo qisaaso taas oo ugu dambayn keentay in maxkamadda xukun dil qisaas ah ku riddo eedaysanaha ayaa lagu yiri war Alshabaab ay ku baahiyeen barahooda intarneetka

Al-Shabaab ayaa sheegay in dadweyne aad u fara badan ay kasoo soo qeyb galeen xukunkaan dilka ah oo ka dhacay goob fagaaro ah oo kuyaal degmada Buula-fulaay ee Gobolada Bay iyo Bakool

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...