Friday, May 7, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dagaalyahanada Hubaysan Ee Al Shabaab Oo Maanta Kaliya 7 Weerar Ka Gaystay...

Dagaalyahanada Hubaysan Ee Al Shabaab Oo Maanta Kaliya 7 Weerar Ka Gaystay Koofurta & Bartamaha Soomaaliya!

Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weeraray saldhigyo milatariga Soomaaliya ku leeyahay goboladda Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud ee Koofurta iyo Bartaha Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen saraakiilsha Amaanka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa saakay waabarigii weerar ku qaaday saldhigyada ciidamada ee magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo uu ka dhacay dagaalka xooggiisa.

Weerarradan ayaa iskugu jiray qaraxyo iyo weerar toos oo  ay gaysteen Al Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay warbaahinta WARDEEQ NEWS  ciidamada dawladda ay fashiliyeen weerarrada lagu soo qaaday Bariire iyo Awdheegle. Taliyuhu waxa uu sheegay in ay khasaare badan u gaysteen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegatay in ay ciidamo ka tirsan dawladda ku dileen weerarradaas.

Labada magaalo hada waxaa gacanta ku haaya ciidamada dawladda.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay Al-Shabaab ay weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal ku qaadeen Jannaale iyo deegaannada Sabiid iyo Caanoole intii ay socdeen weerarrada Bariire iyo Awdheegle.

Dhinaca kalena, baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa bartilmaameedsaday gawaari kolonyo ah oo ku socday Bariire iyo Awdheegle, sida ay ilo kala duwan oo magacooda qariyey ay noo sheegeen. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Lafoole.

Bartamaha Soomaaliyana, iska horimaad ayaa maanta dhexmaray ciidamada dawladda iyo Al-Shabaab tuulooyinka lagu magacaabo Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo koonfurta ka xiga magaalada Dhuusamareeb waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsan qaybta 21 aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ilaa haatan tiro koob sax ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee 

Dagaalladan ayaa imanaya iyadoo madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uu maanta shir hordhac ah uga furmay magaalada Muqdishu.

RELATED ARTICLES

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka...

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay dad u dhintay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 247 xaalado cusub...

Korneyl Doolaal oo maanta XABSIGA laga sii daayey

Jaamac Doolaal oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland oo 11-kii bishii April 2021 ay xukun ku riday Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa...

Facebook Feed

Twitter Feed