Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb-galay shirweyne caalami ah

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb-galay shirweyne caalami ah

afiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qayb galay kalfadhigii 9-aad oo ku saabsan dood-wadaag xoogga lagu saarayay xariirka Shiinaha iyo waddamada Carabta, kaasoo si fogaan arag ah ay aalada Zoom-ka uga qayb galeen madaxdii lagu casuumay.

Dood-wadaagan oo ay  si wada jir ah u soo abaabuleen Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Shiinaha iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka kala socotay Dowlaha Carabta iyo Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane ooJamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya  Shiinaha oo halkaas qudbad ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay taariikhda xaadaradda shiinaha iyo halkii ay soo martay, isagoo tusaale usoo qaatay bad-mareenkii waynaa ee Shiinaha Zheng He ee safar dhanka badda ah ku gaaray Soomaaliya bilowgii qarnigii 15-aad,  kaasoo si diiran Soomaaliya looga soo dhaweeyay.

Sidokale Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa sheegay in is dhexgalka xadaaraha Carabta iyo Shiinaha ay tahay mid muhiim u ah in dalalkaas ay yeeshaan xariir ganacsi oo dhexdooda ah, sidaa darteenna loo baahan yahay in shucuubta dalalkan la baro dhaqamada iyo xadaaraha si isfahan dhan walba ah loo helo.

RELATED ARTICLES

Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.Diyaaradaas oo wada...

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Twitter Feed