Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka DARAASAD AY SAMAYSAY HAY'ADA LA DAGAALANKA MUSUQMAASUQA SOMALIA OO MUUJISAY HEERKA UU...

DARAASAD AY SAMAYSAY HAY’ADA LA DAGAALANKA MUSUQMAASUQA SOMALIA OO MUUJISAY HEERKA UU KA TAAGANYYAHAY GUDAHA SOMALIA .

Hay’ad la dagaallanta musuqmaasuqa Soomaaliya oo daraasad ka sameysay heerka musuqa ayaa sheegtay in musuqmaasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya. Daraasaddan cusub oo ay sameysay hey’adda Marqaati ayaa muujinaysa in qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan 50% boqolkiiba dadkii ay la hadashay hey’adda ay sheegeen inay bixiyeen laaluush sanadkii lasoo dhaafay.

Afar iyo toban boqolkiiba (14%) guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya ayay daraasaddu muujineysaa inay laaluush bixiyeen, halka qaarkoodna ay toddobaadkiiba mar bixiyaan.

Inta badan lacagahan laalushka ah ayaa la sheegay in la siiyo ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ciidamada maamul goboleedyada iyo kooxda Al Shabaab ayaa daraasaddu muujineysaa inay meel sare kaga jiraan liiska. Hay’adda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Marqaati waxaa kale oo ay sheegtay in musuqa uu aad ugu badan yahay meelaha ay ka talliyaan maamul goboleedyada.

By:Jim’ale ismail

RELATED ARTICLES

Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.Diyaaradaas oo wada...

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Twitter Feed