Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dawlada Soomaaliya oo soo gabagabaysay dooddii ay gudbinaysay Maxkamadda ICJ

Dawlada Soomaaliya oo soo gabagabaysay dooddii ay gudbinaysay Maxkamadda ICJ

maanta oo Talaado ah taariikhduna ay ku beegantahay 16.bisha ayaa waxaa mar kale dib uga billaabatay maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ee magaalada The Hague dhagaysiga dacwadda baddeyn oo ay muranka galisay  Kenya.

Sidii shalay Kenya kama aysan ka soo qeyb-galin dhageysiga garmahqalka hase ahaatee xubnaha dowladda Soomaaliya ku matalayay ayaa xaadir ku ahaayeen.

Wafdi uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku sugan goobta ay ku socoto dhageysiga Maxkamada waxaana boqolkiiba boqol la filayaa inay soomaaliga ku guuleysato.

Kenya ayaa horay tiro kabadan sedex jeer  uga codsatay maxkamada cadaalada ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwada balse Soomaaliya oo dhowreyso nidaamka cadaalada dunida ayaa aqbashay hase ahaatee balantii ugu dambeysay  iyadoo saacado ay ka harsanyihiin keyna ayaa sheegtay inaysan kasoo qeyb-gali doono.

Dacwada baddeyna oo ay muranka galisay Kenya ayaa soo socday in kabadan 7 sano waana dhegeysigii ugu horeey iyo wareegii koowaad,Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta laheyd jadwalka garmaqalka waxaana sida qorshu yahay uu ku ektagay dhageysiga 24-Bishaan.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...