Th 750x430 1 - Wardeeq news

Dawladda Kuwait ayaa kala dirtay Golaha Baarlamaanka ee dalkaas, waxaana dhaxal-sugaha boqortooyada Kuwait uu ku baaqay in la qabto doorashooyin guud oo wakhtigoodii laga soo hor mariyey, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey dawladda dalkaas ka arrimisa.

Khudbad uu ka jeediyey Telefiishanka dawladda ayuu Sheekh Meshal Al Ahmed oo 81 jir ahi ku sheegay in qoyska talada hayaa ay ixtiraamayaan dastuurka Kuwait ee awoodda badan siinaya Baarlamaanka dalkaas, ayna tahay in talada dib loogu celiyo shacabka si ay u muujiyaan rabitaankooda.

Verified by MonsterInsights