Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Sports-ka Demark Mise England? Peter Schmeichel Oo Magacaabay Xulka Ugu Cad-Cad In Uu...

Demark Mise England? Peter Schmeichel Oo Magacaabay Xulka Ugu Cad-Cad In Uu Iska Xaadiriyo Final-ka Euro 2020

Halyeeyga Manchester United Peter Schmeichel ayaa sheegay in Denmark ay ‘ugu cadcad tahay’ inay garaacdo England semi-finalka Euro 2020 ee labaad.

Italy ayaa rikoodhayaal ku garaacay xulka Spain kulankii 1-aad ee Semi-final-ka euro 2020 waxana ay labada xul ee England iyo Denmark ku kulmi doonaan Wembley.

Labada xul ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ay ciyaareen ilaa haatan tartanka Euro 2020 waxana ay labada xul isha ku hayaan final-ka tartanka.

“Haddii aan runta sheego, waxaan u maleynayaa in Denmark ay ugu cadcad tahay”ayuu Schmeichel u sheegay MUTV.

“Waxan u malayanaya in uu kulanku noqon doono mid adag”.

“Waxa jira isku ekaansho labada tababare ah, waa laba tababare oo isku qaab ciyaareed ah waxana ay doonaan in ay adkeeyaan difaacooda iyo khadkoda kale waxana ay haystaan xiddigo tayo leh marka laga hadlayo garbaha”.

“Waxa aan aaminsanahay in uu yahay kulan isku dheelitiran inkasta oo ay dadka ku nool aaminsanyihiin in uu xulka England awood badanyahay.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed