Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni ee kajira degaannada Puntland, qorshayaasha Xukuumaddiisa  horyaalla iyo waxyaabaha u qabsomay.

Deni oo ka hadlayay dhinaca amniga ayaa sheegay in laamaha Amniga Puntland ay soo fajareen Shabakado ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka koobnaa 34 Rag ah, kuwaas oo uu sheegay in muddo 13 sano ah qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fulinayay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Madaxweyne Deni in Xukuumadda Puntland ay laba jibaareeyso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab & Daacish, waxaana uu Waalidiinta ka dalbaday inay la socdaan dhaq dhaqaaqa Carruurtooda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool degaannada Maamulkaas inay Ciidamada kala Shaeeyaan sugida amniga I ay nabadgeliyo ugu wada noolaadan.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyaan degaannada Maamulka Puntland.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed