Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dhalinyaro U Socotay Tartan Kubada Cagta Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday...

Dhalinyaro U Socotay Tartan Kubada Cagta Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Gaari



Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland.

Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen 5 wiil oo dhalinyaro ah, waxaana gaariga uu la gadoomay xili ay marayeen degaanka Sheerbi ee Gobolka Garkaar.

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday shilkaas ka dhacay Sheerbi, halka saddex qof kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus, isla markaana la geeyay Xarun Caafimaad, sida ay ku warrameen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dhalinyaradan shilka ka dhashay ay kasoo ambabaxeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, si ay tartan kubada cagta ah u lasoo ciyaaraan fasaxa ciidka kooxo kale oo ay isku deegaan kasoo jeedaan oo ku sugan Magaaladda Qardho.

Shilal kala duwan oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa horey uga dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland, waxaana inta badan shilalka loo sababeyaa waddooyinka qaarkood oo burbursan.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...