Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shilal ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shilal ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida

Wararka aan ka helayno Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed ayaa ku warramaya in goordhaweyd halkaasi ay ka dhaceen shilal is xig-xigay oo kakhsaaro badan dhaliyay, waxaana la helayaa warar dheeeraad ah oo ku aaddan shilalkaasi.

Shilka hore ayaa ka dhacay Duleedka Magaalada Qabridaharre, waxaana ka dhashay Khasaaro soo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee sarnaa gaariga shilka galay.

Intaa kadib waxaa Dhaawacyadii iyo dadkii ku waxyeeloobay Shilka loo qaaday Magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomali Galbeed, balse Gaadiidka Gurmadka ahaa ee dhaawacyada siday ayaa la sheegay in uu Shil kale  galay, taasi oo sababtay in Khasaaruhu sii bato.
Labada shil ayaa waxaa ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyay in shilka dambe ee uu galay gaadiidka Gurmadka ay ku dhinteen Labo ruux oo shacab ah.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ku aaddan shilalka khasaaraha badan dhaliyay ee maanta ka dhacay Dowlad degaanka, waxaana inta badan dhaca shilalka noocaan ah, iyadoo loo sababeeyo Qaar kamid ah waddooyinka oo bur-bursan iyo wadayaasha Gaadiidka kala duwan oo Xawaare sare ku wada Gawaarida.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed