Ugu yaraan 15 qof ayaa la soo wariyay inay dhinteen, saddex kalena waa la la’yahay kadib markii roobab mahiigaan ah oo isdaba joog ah oo sababay daadad ay ku dhufteen waqooyiga gobolka Shanxi ee Shiinaha, oo ka mid ah meelaha ugu badan ee dhuxusha laga soo saaro, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Wargeyska Global Times ee ay dawladdu maamusho ayaa Talaadadii sheegay in ugu yaraan 1.75 milyan oo qof ay daadadku saameeyeen, ilaa 120,000na ay barokaceen ka dib markii 19,500 oo guri “ay dumeen”.