Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dib u dhac ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka + sababta

Dib u dhac ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka + sababta

Dib u dhac ayaa lagu soo warramayaa inuu ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka ee la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan oo uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Shacabka.

Sidoo kale ajandaha shirka waxaa qeyb ka ah diyaarinta habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha ka dhimman hirgelinta doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dib u dhaca ku yimid shirka uu keenay safarka Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo aan weli imaan magaalada Muqdisho.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo is jiid jiid muddo soo taagnaa oo sababay in doorashada lagu qaban waayo xilligii loo asteeyey

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...