Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dibad-bax looga soo horjeedo ciidanka AMISOM oo ka dhacay Muqdisho

Dibad-bax looga soo horjeedo ciidanka AMISOM oo ka dhacay Muqdisho

Boqlaal dadweyne ah ayaa maanta Muqdisho ka dhigay dibad-bax looga soo horjeedo dil ay dhowaan ciidamada AMISOM dad shacab ahaa ugu geysteen gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka dhigayey dibad-baxa ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ahayeen dil gar-darro ah dooni meyno, xasuuq dooni meyno iyo erayo kale, kuwaas oo ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey Golweyn.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo warbaahinta wardeeq news la hadlay ayaa sheegay in AMISOM ciidankeeda ay si bareer ah oo arxan daro ah ay u dileen dadkaas, iyagoo falkaasi ku tilmaamay inuu ahaa xasuuq loo geystay dad beerahooda iyo deegaankooda ku sugnaa.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada AMISOM ay deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/Hoose ku dileen 7 ruux oo shacab ahaa, kadib markii qarax lagula beegsaday halkaasi.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...