Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo Maanta ku eg

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo Maanta ku eg

Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle ayaa weli Magaalada Jowhar ka wada diiwaan-gelinta Musharaxiinta dooneysa inay kamid noqdaan Senatorada Aqalka Sare.

Guddiga ayaa khamiistii lasoo dhaafay diiwaan-geliyay Musharaxiin dhowr ah, iyagoona siiyay shahaadada Musharaxtinimo, waxaana xubnaha la diiwaan-geliyay kamid ah Senatar Muuse Suudi, Cismaan Maxamuud Maxamed Dufte iyo Musharaxiin kale.

Sidoo kale Guddiga qabashada doorashada ayaa Maanta oo sabti ah diiwaan-gelin doona Musharaxiin kale oo u taagan inay ku soo baxaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee taalla Magaalada Jowhar, kuwaasi oo is diiwaan-gelin.

Doorashada Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalmaha soo socda, waxaana Jowhar laga dareemayaa diyaar garoow ballaan oo ku aadan doorashada, iyada oo ay socdaan kulamo siyaasadeed.

Ammaanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka  ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Federaalka gaar ahaan Booliska Haramcad.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed