Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dil iyo banaanbax ka dhacay Magaalada Jowhar

Dil iyo banaanbax ka dhacay Magaalada Jowhar



Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi lagu dilay qof Shacab ah oo kamid ahaa dadka magaalada mid kalena lagu dhaawacay

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka & dhaawaca dadka Shacabka ah uu ka dambeeyay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ee ka howlgalla Magaalada Jowhar, isla markaana askariga uu dadka Shacabka ah ugu tegay gurigooda oo ku yaal Xaafada Kulmis gaar ahaan laanta Buulo Makiino.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dilka kadib xaafado ka tirsan magaalada Jowhar uu ka bilaawday banaanbax looga soo horjeeda dilka loo geystay qofka Shacabka ah, kaas oo ay dhigeen Ehellada Marxuumka iyo saaxiibadiis.

Banaanbaxaayaasha oo wadooyinka Magaalada Jowhar qaarkood socod ku maray ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid yihiin, Shacab dile doonimeyno, iyaga oo dalbaday in Cadaaladda la horkereno askarigii ka dambeeyay dilka & dhaawaca dadka Shacabka ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in askariga falka dilka ah geystay ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Ammaanka Magaalada Jowhar, isaga oo isku dayayay in uu goobta ka baxsado.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...