Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Dil Maanta Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq Gobolka mudug

Dil Maanta Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq Gobolka mudug

Faah faahino ayaa laga helayaa Nin ku hubeysnaa qori AK-47 oo barqanimadii maanta gudaha Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ku dilay Nin la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka Magaaladaas.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Ninka la toogtay xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Caabudwaaq, isla markaana waxaa la tilmaamay inuu u geeriyooday xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Odawaa, waxaana dad yaqaanay ay sheegeen inuu Axmed kamid ahaa dadka muruq-maalka ee guryaha dhisa, kaasi oo caan ka ahaa Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Weli si dhab ah looma oga sababta keentay dilka Axmed Odawaa, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal kala duwan oo horey uga dhacay Magaalada Caabudwaaq, ayna geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in haatan ay socdaan baaritaano kala duwan oo ay wadaan laamaha amniga Booliska Maamulka Galmudug oo ay ku baadi goobayaan Ninkii dambeeyay dilkii Maanta ka dhacay.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed