Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Diyaarad Ay Sidey Wafdi Ka Socda Dowladad Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Ayaa Waxaa...

Diyaarad Ay Sidey Wafdi Ka Socda Dowladad Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Ayaa Waxaa Maanta laga Hor Istaagay Inay Kasoo Dagto Garoon Ku Yaala Magaala Xeebeedka Garacad Ee Gobolka Mudug

Wafdiga Imaaraadka ee laga hor istaagay booqashada Garacad ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, oo booqasho ku tagayey magaalada Garacad ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaas waxay kusii darayaan in diyaarad ay is hortaageen maleeshiyaad dadka degaanka ah oo is abaabulay, kuwaasi oo gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaraha oo ay kasoo degi lahaayeen wafdiga Imaaraadka Ah

Maleeshiyada ayaa diiday inay diyaaraddaas kasoo dagto garoonka macmalka ah ee Garacad, ilaa haddana lama oga sababta ka dambeysa arrintaan iyo ujeedka Wafdiga ka socda Imaaraadka uu ka lahaa safarka Garacad..

Waxaa socda dadaalo ay odayaasha dhaqanka wadaan, kaasi oo lagu dajinayo xiisada ka dhalatay arrintaan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan dhacdadaan.

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...