Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dunida Doorashada Soomaaliya: Sababta aysan Beesha Caalamka u khasbi karin madaxda Soomaalida

Doorashada Soomaaliya: Sababta aysan Beesha Caalamka u khasbi karin madaxda Soomaalida

Doorashada Soomaaliya: Sababta aysan Beesha Caalamka u khasbi karin madaxda Soomaalida

.

Madaxda Soomaalida ayaa muddo dheer isku fahmi la’ hannaanka doorashada waqtigeeda ka dib dhacday, xilli beesha caalamkuna ay dadaal ugu jirto sidii dhinacyada kala aragtida duwan la isugu soo dhaweyn lahaa.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo federaalka, inkastoo aan lagu guuleysanin in shirkii la filayay ay dhammaantood ka wada qeyb galaan.

Ilaa hadda Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaan ku biirin shirka ay ku wada sugnaayeen madaxda saddexda maamul ee kale iyo dowladda dhexe.

Marar badan ayay dowladda federaalku madaxda labada maamul ee shirka ka maqan ugu baaqday inay kusoo biiraan. War saxaafadeedkii ugu dambeeyayna waxay madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay in Deni iyo Axmed Madoobe looga codsanayo inay ka qeyb galaan shir weyne dhawaan looga hadli doono xaaladda doorashada.

Hase ahaatee, war saxaafadeed wadajir ah oo Puntland iyo Jubaland ay maanta soo saareen ayay ku sheegeen in mas’uuliyiinta dowladda dhexe “ay xagal daacinayaan” shirkii loo ballan sanaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

.

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka, oo in muddo ahba xal u raadinayay xaaladda ismari waaga ah ee doorashada Soomaaliya ayaa dhowr isbuuc ka hor ku qanciyay madaxda Jubaland iyo Puntland in ay tagaan Muqdisho, walow ay ku guul darreysteen in ay ka dhaadhiciyaan ka qeyb galidda shirka loo fadhiyay.

Wixii war bixino ah ee ka soo kordhana halkanbaan idinkula soo wadaagi doona.

RELATED ARTICLES

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Nin isa soo...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Facebook Feed

Twitter Feed