Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay in La Dilay Maxamed Cabdi Toosoow

Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay in La Dilay Maxamed Cabdi Toosoow

Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ay degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen horjooge Maxamed Cabdi Suubiye, oo loo yaqaan Toosoow, oo ka tirsanaa madaxda sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Toosow lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ka fuliyeen aagga Masaajid Cali Gaduud.

Jeneral Odowaa ma shaacin xilka uu Maxamed Cabdi Suubiye Toosoow ka hayey kooxda Al-Shabaab.

Dilka Toosoow ayaa yimid maalin kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay 15 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Tuula-Xaayow iyo Ceel-dheere oo jihada koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda ayaa dhowaanahan dagaallo culus Al-Shabaab kula jiray gobolka Shabeellaha Dhexe, ayada oo qorshaha uu yahay in halkaas laga sifeeyo kooxdan, waxayna sheegteen guulo waaweyn oo ay ka gaareen dagaalka.

Ciidamada ayaa sidoo kale laba toddobaad kahor sheegay in howlgal ay Danab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka, gaar ahaan Sabuun, Baaroow Madiina Cade, Gaaleef iyo Buurdhee, ay ku dileen 8-kamid ah Kooxda  Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed