Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda Faderaalka Soomaaliya Oo Waalac Xoogan Ka Muujisay Rabshadaha Ka Socda Koonfur...

Dowladda Faderaalka Soomaaliya Oo Waalac Xoogan Ka Muujisay Rabshadaha Ka Socda Koonfur Afrika

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujinaysaa sida ay uga walaacsantahay rabshadaha iyo bililiqada ay burcad hubaysan ku dileen afar qof oo Soomaali ah, kuna dhaawaceen kuwa kale, kuna boobeen goobahooda ganacsi oo ku yaalla deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika intii lagu gudo jiray 72 saacadood ee la soo dhaafay.
Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Dowladda Koonfur Afrika inay dadaal ballaaran ku bixiso ka ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.
Soomaaliya waxay ku faanaysaa xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jireen halgankii ka dhanka ahaa midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah.
RELATED ARTICLES

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Lubnaan ka dib markii maalintii labaad gantaal laga soo...

Twitter Feed