Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno Shabaab ah

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno Shabaab ah

Howlgal ayaa Ciidanka xoogga dalka waxaa ay ka sameeyeen duleedka degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool,  kadib markii Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmadaasi, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalka ay uga hortagayeen weerarka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ciidamada Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool, waxaana Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray degaannada Mad-Waraabe iyo Farag oo 7 km duleedka kaga beegan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9aad qeybta 6aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe Cali Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in Ciidamada oo ka jawaabaya weerarkii Al-Shabaab ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen, isla markaana ay ka dileen Shan dagaalame lix kalena ay ka dhaawaceen

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ay kasii wadi doonaan degaannada hoostaga degmada Xudur, wuxuuna u mahad celiyay Ciidamadii ka hortegay weerarkii Al-Shabaab.

Degmada Xudur ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, waxaana xilliyada qaar ay ku qaadaan weeraro qorsheysan.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...