Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda oo sheegtay in hub farabadan ku qabatay dagaal ka dhacay Hiiraan

Dowladda oo sheegtay in hub farabadan ku qabatay dagaal ka dhacay Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli  howlgal qorsheeysan kawada degaanka Ceelbacad oo hoostaga degmada buulo burde ee gobolka Hiiraan,halkaas oo shalay dagaal xoogan ay kula galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda ay weerareen degaanka ceelbacad, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in weerarkaas uu ka dambeeyay kadib markii ay ka warheleen weeraro qorsheeyeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Tareedisho ayaa sheegay in dagaalkaas ay Al-Shabaab uga dileen 25 dagaalame.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay jiraan khasaarooyin kale oo loo geystay Al-Shabaab.

Warrakii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in inta u dhaxeysa labadaasi degmo ay Ciidamada ka wadaan howlgallo culus oo ay sheegeen in amniga lagu xaqiijinayo.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed