Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda oo sheegtay inay weerar ku dishay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay inay weerar ku dishay Xubno ka tirsan Al-Shabaab



Saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaannada ay dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah degaannada, warciise iyo Gal-labashiir, kadib markii ay degaannadaas weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga  Dalka Jeneraal Odowaa yuusuf Raage ayaa sheegay in dagaalkaas Ciidamada xoogga dalkja ay guulo waaweyn ku gaareen, isla markaana Al-Shabaab ay uga dileen 15 Xubnood.

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgalalda Al-Shabaab looga saarayo degaannada hoostaga degmada Raaga-ceelle iyo Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan sheegay in ay weerareen degaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe oo ay isku aruur sanayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay inay weeraro fuliyaan.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...