Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda Somaliya oo bixisay qandaraas lagu dhisaayo wadooyin

Dowladda Somaliya oo bixisay qandaraas lagu dhisaayo wadooyin



Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Somaliya oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd dhismaha Wadooyinka iskuxira gobolada dalka ayaa maanta waxaa ay kala saxiixdeen heshiiska daraasaynta iyo diyaarinta dikumintiga qandaraas bixinta dhismaha waddooyinka  Shirkadda AIC oo bahwadaag shaqo la ah shirkadda Dicson.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Somaliya, Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa saxiixay heshiiskan, xilli ay munaasabadda ku sugnaayeen Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud ee Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime Waaxeedyada.

Wadooyinka lagu samaynayo daraasadaynta, loona diyaarinayo dokumintiga qandaraas bixinta ayaa kala ah:-

1. Beledweyne iyo Kalabeer
2. Samareeb (Ex Dhuusamareeb) iyo Qarandi
3. Gaalkacayo iyo Faratooyo

Ugu horayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Axmed Maxamed Iimaan ayaa sheegay in mashruuca dhismaha Wadooyinka isku xira gobolada dalka uusoo maray heerar kala duwan.

Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada Galmudug, Axmed Dhiblaawe Casir iyo Hirshabelle, Jaamac Xuseen Xaashi ayaa soo dhaweeyay heshiiskan.

Ugu dambeyn Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliya ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay mashruucani dalka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...