Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Duqeymo ay dhawaanahaan Diyaaradaha Kenya ay ka...

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Duqeymo ay dhawaanahaan Diyaaradaha Kenya ay ka gaysteen Gobolka Gedo

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo goordhaweyd warbaahinta la hadlaya yaa si kulul uga hadlay Duqeymihii dhawaan ay Kenya ka gaysatay Degmooyinka Ceel-waaq iyo degaanno kale oo Hoose yimaada, waxaana uu sheegay in Dowaldda Soomaaliya ay cambaaraynayso tallaabadaasi ay ku keceen Diyaaradaha Kenya.

Wasiir Dubbe waxaa uu sheegay in duqeymahaasi ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in uu jiro bur bur Hantiyadeed oo aad u baaxad wayn oo soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan degmooyinka iyo degaanada la duqeeyay ee ay ka mid yihiin Ceel-cadde, Ceelwaaq, Cawsqurun iyo Badhaadhe.

 

Waxaa uu tilmaamay in la beegsaday Shirkado isgaarsiineyd iyo Guryo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladda Kenya aysan wax duqeyn ah ka fulin karin gudaha Soomaaliya, ilaa ay oggolaashiyo ka hesho Dowladda Soomaaliya iyo Taliska AMISOM, waxaana uu sheegay in ay cambaaraynayaan Tallabada ay qaadday Kenya.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed