Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xal U Helidda Barakacayaasha

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xal U Helidda Barakacayaasha

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshayenta Qaranka Marwo Sahra Cabdi ayaa kulan mira-dhal ah la yeelatay Agaasimaha u qaabilsan Guddiga Qaxootiga Daanish (Danish Refugee Council-DRC) Ms Heather Amstutz.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda ku lafa guray  kor-u-qaadidda Iskaashiga ku aadan taageerida bulshooyinka barakacu saameyay ee dalkeenna sidii xal waara looga gaari lahaa.

Marwo Sahra Cabdi Agaasimaha waxa ay warbixin kooban ka bixisay howlaha la xariira xal u helidda bulshada barakacu saameyay, taas oo si weyn wax uga qabanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla amarkaana ujeedadiisu tahay in ay xoojiyaan dadaallada ay hadda waddo Guddiga Qaxootiga Daanish ee Soomaaliya.

Agaasimaha u qaabilsan  Guddiga Qaxootiga Daanish  Geeska Africa (Danish Refugee Counci-DRC) Ms Heather Amstutz   waxa ay si weyn  u bogaadisay  dedaallada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xariirta taageeridda bulshada  uu  saameyay barakacu, taas oo ah mid muuqata.  Sidoo kale waxa ay tilmaamntay in dhankooda ay ka go’an tahay ka gacan siinta Dowladda Soomaaliya sidii xal waara laga gaari lahaa arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo ah meelaha ay ugu nugushahay bulshada Soomaaliyeed

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...