Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay difaacanayso baddeeda

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay difaacanayso baddeeda

Laakiin, wuxuu caddeeyay haddii Kenya ay diido arintaas in ay Soomaaliya u taagan tahay difaaca baddeeda.

Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsannaado xiriirka labada dal, laakin haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya  Bilaal Maxamed Cusmaan.

Hadalka wasiiru dowlaha ayaa yimid, xilli ay dowladda Kenya ay kasoo horjeesatay go’aankii kasoo baxay maxkamadda ICJ, ee Soomaaliya loogu xukumay dhul baddeedkii ay Kenya haysatay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku biirtay dalalka UK iyo USA, kuwaas oo horey u diiday go’aamo maxkamaddeed oo kasoo baxay maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii iyaga iyo Soomaaliya loo dhex dhexaadin lahaa, si ay is-afgarad uga gaaraan arrimaha baddda.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...