01000000 0aff 0242 cf88 08dbcc230b7d w408 r1 s - Wardeeq news

Hay’adda uu qaabilsan amniga gudaha ee Sweden ayaa ku eedaysay Iran inay isticmaashay budhcad ku sugan gudaha Sweden, si ay u bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo Yuhuudda.

Daniel Stenling oo ah madaxa qaabilsan ka hortagga sirdoonada debedda ee hay’adda amniga Sweden ayaa eedaymahan u jeediyey Iran, xilli uu qabtay shir jaraa’id.

Wuxuu sheegay inay arrintani ahayd, isku day ay doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo kuwa Yuhuudda ee ku yaalla gudaha Sweden. Wuxuu sheegay inuu jiro xidhiidh u dhexeeya shabakado budhcad ah iyo shakhsiyaad ka hawlgala hay’adaha amniga ee Iran.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa isku dayday inay arrintan wax ka weydiiso wasaaradda arrimaha debedda ee Iran, hase ahaatee uma suurogelin.

Hay’adda amniga Sweden ayaa sidoo kale ku eedaysay Iran, in maamulka Iran uu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah dadka ka soo horjeeda oo ay ku jiraan qurbe-joogta Iran, iyaga oo sidoo kalena bartilmaameedsanaya danaha dalalka kale.

Verified by MonsterInsights