Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday liiska illaa 41 jaamacadood oo...

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday liiska illaa 41 jaamacadood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya

aqoonsaday 41 Jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya

kuwaas oo helay aqoonsiga dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda Tacliinta sare ee Turkiga ee loo yaqaano YOK.

Liiska jaamacadaha lasoo dhigay oo ku kala yaalla magaalooyinka waa weyn dalka ayaa maray hannaankii saxda ahaa is-diiwangelinta, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda.

Sidoo kale liiskan ayaa waxaa loo soo gudbiyey safaaradda Turkiga ee ku taalla Muqdisho oo iyadu marin u ah safarka Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashad uu  aada dalkaasi.

Halkan hoose la aqriso liiska 41 Jaamacadood ee aqoonsiga helay:-

Dhinaca kale guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Turkiga ayaa farriin u diray Jaamacadaha kale ee aan is diiwaan-gelin, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobollada dalka,iyada oo loo qabtay illaa muddo ku siman 05/06/2021.

“Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala Gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka  Tacliinta Sare. Hadaba Waxaan ka codsaneynaa  inay  la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu  dambayn 05/06/2021. Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri qoralka.

Turkiga ayaa waxaa inta badan waxbarashada u aado ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo wax ka barta jaamacadaha waa weyn ee ku yaalla gudaha dalkaasi, waxaana tan wixii ka dambeeyey 2011-kii sii xoogeystay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya & Turkiga.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed