Duqa Magaalada Baraawe oo Maanta Dib ugu Soo Noqday Degmada

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baraawe, kadib safar shaqo oo uu maalmahan ku maqnaa.

 

Guddoomiyaha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baraawe saraakiisha amniga degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka degmada.

 

Imashaha Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda Degmada Baraawe, Taliye Maxamed Cumar Maxamed, oo isna si rasmi ah ula yimid Guddoomiyaha, taasoo muujinaysa xoojinta wada shaqeynta amniga iyo maamulka degmada.

 

Mas’uuliyiinta iyo bulshada soo dhaweynta ka qeyb gashay ayaa muujiyay farxad iyo kalsooni ay ku qabaan hoggaanka Guddoomiyaha, iyagoo ku ammaanay dadaallada uu ugu jiro horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta amniga degmada.

 

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa uga mahadceliyay bulshada iyo mas’uuliyiinta sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen, isagoo ballan qaaday inuu sii wadi doono shaqooyinka horumarineed iyo kuwa amni ee degmada.

 

Magaalada Baraawe ayaa haatan wajahaysa dadaallo lagu xoojinayo amniga, nadaafadda iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *