Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad ka dhalatay muran...

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad ka dhalatay muran iyo is qab-qabsi ciidamo ka tirsan DF

dhul ku yaalla agagaarka iskuul Buluusiya, halkaas oo ay isku heystaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhulkan la’isku heysto ayaa ah goob Qabuuro oo ku taal dhanka xeebta ee degmada Xamarjajab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddani ay timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Badda ay isku dayeen inay dhismo ku bilaabaan dhulkaasi oo u dhaxeeyo xarunta iskuul Buluusiya iyo isbitaalka caanka ah ee Yardameeli, balse waxaa ka horyimid ciidan kale oo milatari ah.

Saraakiisha kala hoggaamineyo ciidamadaasi ayaa mid kasta wuxuu sheeygana inuu isagu leeyahay dhulkaasi, waxaana laga cabsi qabaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo hubeysan iyo gaadiid dagaal lagu arkayo degmada Xamarjajab, gaar ahaan dhulka lagu muransan yahay.

Si kastaba ma jiro wax hadal ah oo kaso  baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan xiisadaasi, balse inta badan waxaa magaalada Muqdisho kusoo laa laabta isku dhacydada ciidamada ee ka dhasha is qab-qabsiyo la xiriira dhulal la’isku heysto.

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...