Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka faah faahin laga helayo Dil ka dhacay Magalada Muqdisho

faah faahin laga helayo Dil ka dhacay Magalada Muqdisho

Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa xalay waxaa ay degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan Millateriga, kuwaas oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmadaas.

Askarta la dilay oo laba ahaa ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmadeey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan, kuwaas oo siweyn looga yaqaanay, isla markaana muddo badan ka Shaqeeynayay Gudaha degmada Kaaraan.

Warar kale ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in ragga dilka geystay oo Shabaab ahaa mid kamid ah ay goobta ku dileen askar kale oo ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay, sida ay wardeeq news u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Meydka labada Askari iyo Ninka la sheegay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Sbabaab ayaa waxaa la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Mugdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka loo geysto askarta kala duwan ee dowladda Soomaaliya, waxana inta badan mas’uuliyadda dilalka sheegta Ururka Al-Shabaab

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...