Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa ninkii ay ciidamada DF ku...

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa ninkii ay ciidamada DF ku toogteen MUQDISHO

howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen agagaarka isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ciidamada ay toogteen nin hubeysnaa oo la sheegay inuu doonayey inuu weerar ku soo qaado ciidanka amaanka ee jooga halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay toogteen ninkaasi oo watay qoray AK47 ah, kadib markii uu isku dayey inuu rasaaseeyo ciidamada Booliska ee ilaalada ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay dhacdadan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana uu doonayey inuu carqaladeeyo amniga wadadaasi oo ay waardiyo ka hayaan ciidamo ka tirsan ammanka.

“Ciidanka oo ka feejignaa dhagarta cadowga mar walba soo maleego ayaa ka hortagay ninkaan, isla markaana toogasho ku dilay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay boorso uu watay ninka la dilay oo la rumeysan yihiin inuu sitay walxaha qarxa, balse haatan waxaa socda baaritaano ay weli wadaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Ciidamo gaar ah ayaa loo diyaariyey ilaalinta dhismaha jidka xiriiriya labada magaallo ee Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo loogu talagalay inay ka hortegaan weerarada qorsheysan.

Laamaha amaanka ayaa sidoo kale maalmihii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada iyo baaritaanada lagu sugayo amniga , si looga hortego falalka lidiga ku ah nabad-gelyada

Howl-galladii ugu dambeeyey ayaa waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ah oo dhac ka geysanayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed