Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydadka labo wiil oo...

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydadka labo wiil oo walaalo ahaa

saacadihii lasoo dhaafay meydadkooda laga helay wabiga Shabelle ee mara magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labada wiil ayaa shalay la waayey, xilli ay ku dabaalanayeen wabiga dhanka Kiliga Waraaballe ee xaafadda Howlwadaag , sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in haatan labadaas wiil meydadkooda laga helay dhinaca xaafadda Buunda-weyn oo ay geeyeen biyihii la tegay.

Marxuuminta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Khaalid Nuur Cadow iyo Feysal Nuur Cadow, kuwaas oo maanta aas wadajir ah loogu sameeyey Beledweyne.

Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa marar badan horey uga tegay qataraha lagala kulmi karo biyaha uu keeno wabiga Shabelle ama in loo dabaal-tego intaba.

Si kastaba, wabiga Shabelle oo inta badan fatahaado ka geysta deegaanada HirShabelle ayaa hadane waxaa sidoo kale horey ugu geeriyooday dad u badan dhalinyaro, xilli ay ku dabaalanayeen halka qaarkood la helay meydadkooda, kuwa kalena dib looba waayey.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed