Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay saaka aroortii...

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad

werar lago qadey gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xooggaga Al-Shabaab ay ku beegsadeen bar-koontarool oo ku taalla wadada aada dhinaca xigta magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana xigay iska hor imaad ka dhacay halkaasi.

Ilo deegaanka ayaa u sheegay wardeeqnews.net in halkaasi lagu dilay hal askari oo xilliga uu weerarka dhacayey ku sugnaa goobta, waxaana wararka ay intaasi kusii darayaan in raggii weerarka qaaday ay horey u sii qaateen qorigiisa oo ahaa AK47.

Sidoo kale waxaa goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha dmagaalada Balcad.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta ka baxsaday dagaalyahanadii ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka geystay halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaas iyo howl-gallada ka dambeeyey.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed