Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ay saaka ka fuliyeen tuulooyin iyo dhul miyi ah oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala duwan uu ka dhashay duqaymahan ay subaxnimada maanta ka fuliyeen degmada ceelwaaq ee gobolka gedo inkastoo aan weli faahfaahin rasmi oo sugan laga helin Duqeymaha saake kenya ay ka fulisay ceelwaaq .
Dowladda Kenya ayaa marar badan duqeymo dhawr ah ka fulisay Gobolka Gedo gaar ahaan miyiga degmada Ceelwaaq oo ay ku badan yihiin dadka xoola dhaqatada ah
Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin duqaymaha ka dhacay Gobolkaas oo Kenya sheegtay in lagu beegsaday Al-shabaab Oo ay dagaal xoogle kula jiraan Balse Duqeymahaan culus ee diyaaradaha dagaal kenya ayaa ku sii xoogeystay gobolka gedo kuwaasi oo saameyn ku sheegay dadka shacab ka ah
Dhanka kale waxaa noosuurta gali xiriiro aan la sameeynay maamulka gebolka gedo oo ay doonaynay in aan waxkaga weydiino wax ay kala socdaan duqeymahaan maadaama kenya ay ka mid tahay wadamada ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya
waa markii labaad ee todobaadkaan gudihiisa ay diyaaradaha dagaalka kenya duqeymo nuucaan ah ka fulinayaan deegaanada dhaca miyiga gobolka gedo