Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalle Biroole ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa wardeeq news u sheegay in labada dhinac ay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan la caddeyn karin, inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed