Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Biyo Cadde ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ka qeyb-qaateen ciidamada AMISOM oo madaafiic ugu jawaabay weerarka ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay wardeeq news u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dagaalkan uu kusoo aadayaa, iyada oo dhowaan weerar is-miidaamin ahaa ay Xarakada Al-Shabaab ka fulisay deegaanka Biyo Cadde, kaas oo ay ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan dowladda

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed