Diblomaasi hore oo ka tirsanaan jiray dowladda Norway, Terje Rod-Larsen, ayaa lagu eedeeyay inuu door muhiim ah ka ciyaaray sidii maalqabeenka Mareykanka Jeffrey Epstein ugu heli lahaa marin uu kula xiriiro madax iyo shaqsiyaad miisaan culus ku leh siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka. Eedeymahan ayaa soo baxay kadib markii la sii daayay malaayiin dukumeenti oo la xiriira baaritaannadii lagu hayay Epstein, kuwaas oo iftiimiyay xiriirro ballaaran oo uu la lahaa dad caan ah oo dunida ah.
Rod-Larsen iyo xaaskiisa Mona Juul, oo iyaduna ah diblomaasi sare oo Norweji ah, ayaa magacyadooda si gaar ah loogu xusay dukumeentiyada la shaaciyay. Faylashan ayaa muujinaya xiriirro la sheegay inay ka qotodheer yihiin kuwii hore loo ogaa, gaar ahaan kuwa u dhexeeya Epstein iyo xubno sare oo ka tirsan Norway. Epstein ayaa dhintay sannadkii 2019 isagoo ku jiray xabsi ku yaalla Mareykanka, halkaas oo uu ku sugayay maxkamad la xiriirta eedeymo culus oo ka ganacsiga galmada ah.
Terje Rod-Larsen, oo 78 jir ah, wuxuu si weyn caan ugu noqday doorkiisii ku aaddanaa wadahadalladii qarsoodiga ahaa ee Israa’iil iyo Falastiin ee horseeday Heshiisyadii Oslo sanadihii 1990-meeyadii. Heshiisyadaas ayaa loo arkay tallaabo taariikhi ah oo dhanka nabadda ah, taasoo sumcad weyn u soo hoysay Rod-Larsen gudaha Norway iyo beesha caalamka. Intaa kadib, wuxuu qabtay xilal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, oo ay ka mid ahaayeen kaaliyaha xoghayaha guud, iskuduwaha gaarka ah ee dhulalka la haysto, iyo ergeyga gaarka ah ee Bariga Dhexe.
Intii u dhaxaysay 2005 iyo 2020, Rod-Larsen wuxuu ahaa madaxa Machadka Nabadda Caalamiga ah (International Peace Institute – IPI), oo xaruntiisu tahay New York. Warbixinno warbaahineed ayaa sheegaya in muddadaas uu xiriir dhow la yeeshay Epstein, kaasoo sanadkii 2008 lagu xukumay falal galmo oo sharci darro ah oo la xiriiray carruur aan qaan-gaarin. Inkastoo xukunkaas hore loo ogaa, dukumeentiyada cusub ayaa soo jeediyay in xiriirka labada nin uu sii socday xitaa kadib fadeexadaha Epstein.
Harald Stanghelle, oo ah faalleeye siyaasaddeed oo ka tirsan wargeyska Aftenposten ee dalka Norway, ayaa ku tilmaamay Rod-Larsen “caaro bartamaha shabakadda,” isaga oo ula jeeday in inta badan shaqsiyaadka siyaasaddeed ee Norway ee lagu xusay dukumeentiyada Epstein ay la xiriireen iyaga oo sii maraya Rod-Larsen. Sida uu sheegay Stanghelle, lama helin qof maqaam sare ka jooga Norway ah oo lala xiriiriyay Epstein oo aan si toos ah ama si dadban uga soo dhex muuqan magaca Rod-Larsen.


