Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Fanaan Caan ahaa oo geeriyooday & dowladda oo ka hadashay

Fanaan Caan ahaa oo geeriyooday & dowladda oo ka hadashay

Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii Caanka ahaa ee Maxamed Aadan Shamuuri, kaas oo la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka ee  Waabari oo xalay Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.

Maxamed Adan Shamuuri wuxu ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kale marxuumku wuxu ahaa nin leh dabeecad fiican iyo dad la dhaqan wanaagsan. Ilaahay ha u naxariisto. Ayuu yiri” Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cismaan Abuukar Dubbe.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed