Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Farmaajo “Dalkeenna Maanta Waxaa Uu La Tacaalayaa Halis Caafimaad”

Farmaajo “Dalkeenna Maanta Waxaa Uu La Tacaalayaa Halis Caafimaad”

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaa uu Maanta hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa Shaqaalaha Soomaaliyeed uga mahad-celiyay sida ay uga shaqeeyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka, laga soo bilaabo dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku leeyihiin halgankii xurnimo doonka.

“Waxa ay maanta oo kale mudnaayeen maamuus, dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin billad shara, laakiin nasiib xumo saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay Farmaajo in dalka maanta waxaa uu la tacaalayo halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaas oo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo guud ahaan nolasha bulshada.

Dhammaan caqabadaha ku xeeran dalka ayuu shegay Madaxweynaha dalka in loo baahan yahay in la laba-laabo dadaalka iyo waxqabadka, isla markaana loo midoobo, si loo xaqiijiyo hiigsiga ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah.

“Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, annagoo mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada. Waxaan xaqiijinay inaan siinno Shaqaalaha Dowladda xuquuqdooda mushahar bil walba, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa” ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa Madaxweyne Farmaajo.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinay ansixinta xeerarka iyo shuruucda la xiriira Shaqaalaha, annagoo xoojinnay Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed