Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Farmaajo iyo Rooble oo cambaareeyay ismiidaamintii Saraakiisha lagu dilay

Farmaajo iyo Rooble oo cambaareeyay ismiidaamintii Saraakiisha lagu dilay

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka hore ee Saldhigga Booliska ee Degmada Waaberi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto cadowga caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi, Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqaynaya amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa isna qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku cambaareeyay ismiidaamintaasi, isagoo dhanka kalena tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dadkii ku naf waayay falkaasi.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen Saldhigga Degmada Waaberi. Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa Saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso. Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.” Ayuu yiri Rooble.

Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in lix qof ku dhimatay qaraxaasi, halka lix kalena ay ku dhaawacantay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, hase yeeshee waxaa lala xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed