Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Farmaajo oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Farmaajo oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Addis-ababa ayaa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Kulanka ayaa waxaa ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uga mahad celiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu uga qeyb galay Xafladda Caleema saarka Xukuumaddiisa Cusub, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka taageeri doono dhonacyo dhowr ah.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa uu saaxiib gaar ah la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isaga oo mark kusoo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, isla markaana dhowr jeer ay ku kulmeen Magaalada Addis Asmara ee waddanka Ereteriya.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...