Gaashaanle Dhexe Xuseen Baargele oo Hoggaamiyay Howlgal Qorsheysan oo Lagu Beegsaday Kooxaha Al-Shabaab iyo Burcad Hubeysan

Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Gaashaanle dhaxe Xuseen Baargele, ayaa hoggaaminayey howlgal qorsheysan oo saaka lagu beegsaday kooxaha khawaarijta Al-Shabaab iyo burcad hubeysan.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaano hoostaga Baydhabo, gaar ahaan howdka Daa’uudow, ayaa ujeeddadiisu ahayd sugidda amniga, ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, iyo xaqiijinta xasilloonida shacabka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *